Warning! Editing this pageset section will affect all pages on your website.

Soomaali - Su’aalaha Inta Badan La Weydiiyo

Barnaamijka Tacliinta Xagaaga (Summer Academic Program):

Su'aal: Waa maxay barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Barnaamijka tacliinta xagaaga ee loo yaqaano summer academic program waa fursad ay ardayda Fasalka Barbaarinta Ee Ku Meel-gaarka Iyo Caalamiga Ah (Universal Transitional Kindergarten) ilaa kuwa Fasalka 8 (UTK-8) ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego kusii wadan karaan hawshooda tacliinta inta lagu jiro xagaaga. Fasalada waxaa dhigi doona macalimiin aad ugu qalma ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego. 

Su'aal: Gormee ayuu bilaaban doonaa iyo dhammaan doonaa barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Barnaamijka shanta asbuuc wuxuu bilaaban doonaa Arbaco, Juunyo 12, 2024, wuxuuna dhammaan doonaa Jimco, Luulyo 12, 2024. Barnaamijka wuu xiran yahay Juunyo 19, Luulyo 4 iyo 5.

Su'aal: Waa maxay saacadaha barnaamijka tacliinta xagaaga ee UTK-8?

Jawaab: Barnaamijka saacadahiisa waa 8:00 subaxnimo (a.m.) ilaa 12:00 duhurnimo (p.m.)

Su'aal: Ma qori koraa ardaygayga hada?

Jawaab: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh waxayna isqori karaan laga bilaabo Isniinta, Janaayo 29, 2024. Maalinta ugu dambaysa inay qoysaska P1 qoraan ardaygooda ama ardaydooda waa Maarso 15, 2024.

Laga bilaabo Maajo 13, 2024, wuxuu diwaangelinta barnaamijka tacliinta u furan yahay degmada dugsiga oo dhan, waxaana la isugu adeeyaa sida loo soo kala hor maro.

Su'aal: Sideen ku go'aamin karaa hadii uu ardaygayga fuliyo shuruudaha P1?

Jawaab: Siday dhigayaan shuruudaha deeqda iyo goobaha mudnaanta ee degmada dugsiga ee Barnaamijka Wax Barashada La Kordhiyay ee Waaxda Wax Barashada Kaaliforniya (ELOP), ardayda fuliyo ugu yaraan hal ka mid ah shuruudaha soo socda waxaa la siin doonaa diiwaangelinta mudnaanta (P1):

      Ku Hadlo Luuqado Badan (Baranaayo Luuqada Ingiriiska)

      U qalanka cuntada lacag la'aanta ah ama la raqiisiyay

      Dhalinyarada guri la'aanta ah/dad kale koriyaan

      Ardayda itaal-la’aanta ah (IEP ama 504)

      Ilmaha la dhashay ardayda fuliyo shuruudaha ku yaalo kor oo dhigta isla dugsigaas

Su'aal: Inteen ka helaa codsiga?

Jawaab: Macluumaadka diiwaangelinta waxaa iimayl loogu soo diri doonaa qoysaska P1 inta lagu jiro asbuuca Janaayo 22, 2024. Diiwaangelinta furan (Open enrollment) wuxuu ka bilaabmi doonaa goobaha dugsiyada xagaaga laga bilaabo Maajo 13.

Su'aal: Intarnetka ma ka codsan karaa barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Maya. Macluumaadka diiwaangelinta tacliinta xagaaga waxaa iimayl loogu soo diri doonaa qoysaska P1 inta lagu jiro asbuuca Janaayo 22, 2024. 

Su'aal: Waxaa gurigayga jooga hal arday ka badan, ma u baahanahay inaan codsi u soo gudbiyo arday kasta barnaamijkiiba?

Jawaab: Haa. Waxaa loo baahnaan doonaa in codsi loo soo gudbiyo cunug kasta iyo barnaamij kasta.

Su'aal: Ma la isoo ogeysiin doonaa hadii ardaygayga loo ogolaaday barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Codsiyada la gudbiyo ilaa Maarso 15 waxay heli doonaan ogysiis iimayl ah ilaa Abriil 5, 2024 oo uu ku qoran yahay macluumaad si loo dhammaystiro nidaamka diiwaangelinta.

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ma furan yahay inta lagu jiro faystooyinka?

Jawaab: Barnaamijka wuu xiran yahay faystooyinka degmada dugsiga Juunyo 19, Luulyo 4 iyo 5.

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ma ka duwan yahay barnaamijka Level Up?

Jawaab: Haa. Barnaamijka tacliinta xagaaga ee loo yaqaano summer academic program waa fursad ay ardayda kusii wadan karaan hawshooda tacliinta inta lagu jiro xagaaga. Fasalada waxaa dhigi doona macalimiin aad ugu qalma ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego. Barnaamijka waa ballaarinta sannad dugsiyeedka markaas lagu jiro. Barnaamijyada kobcinta ee Level Up, ee loogo talagalay ardayda hada dhigato degmada dugsiga, waxay soo bandhigaan hawlo sida STEM, qoob ka ciyaar, iyo ciyaaro.

Su'aal: Intee in le'eg waaye maalinta barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Barnaamijka tacliinta xagaaga wuxuu socdaa 4 saacadood maalintii muddo 5 asbuuc ah.

Su'aal: Dugsiyadee ayaa lagu qaban doonaa barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Websaytkeena Fursadaha Wax Barashada La Ballaariyay waxaa ku qoran liiska 49 goobo dugsiyo ee bixinaayo barnaamijka. 

Su'aal: Sidee lagu doortay dugsiyada?

Jawaab: Arrimo badan ayaa laga fikiray markii la dooranaayay goobaha lagu qabanaayo barnaamijka tacliinta subaxa, oo ay ku jiraan tirada ardayda, u dhawaanshaha xarumaha kale ee dugsiyada iyo mashaariicda dhismo ee hore loo qorsheeyay oo xadidi kara gelitaanka xarunta.

Su'aal:  Ardaygayga dugsigiisa kuma qorna liiska? Ma codsan karaa dugsiga labaad ee ugu dhow?

Jawaab: Haa. Hadii uu dugsiga uu hada dhigto ardaygaaga xiran yahay xagaaga waxaad dooran kartaa dugsi kasta oo ka mid ah kooxda dugsigaaga (cluster).

Su'aal: Qasab miyaa inaan ku qoro ardaygayga isla kooxda dugsiga uu ku qoran yahay hada?

Jawaab: Haa.

Su'aal: Ma ku qori karaa ardaygayga barnaamijka tacliinta xagaaga iyo barnaamijka Level Up (kobcinta) oo laga bixinaayo dugsiyo kale, mise waa inay goobaha isku mid ahaadaan?

Jawaab: Wey kala duwanaan karaan goobaha, hase yeeshee qoysaska ayaa mas'uul ka ah gaadiidka lagu tagaayo iyo looga imaanaayo barnaamijyada.

Su'aal: Ma u baahan yahay cunugayga inuu ku qornaado barnaamijka tacliinta xagaaga si uu u awoodo inuu codsado barnaamijka Level Up (kobcinta)?

Jawaab: Maya. Waad ku qori kartaa ardaygaaga barnaamijka Level Up keliya.

Su'aal: Manhajka ma adkaan doonaa?

Jawaab: Kooxo macalimiin iyo hoggaamiyaal wax barashada ayaa sameeyay manhaj tacliimeed iyo hab-dhaqanka iyo dareenka oo xoogan oo loogu talagalay ardayda dhammaan heerarka oona ku salaysan mashruuc, wax lagu sameynaayo gacmaha, iyo waayo aragtinimo wax barasho ay maskaxooyinka soo jeedaan. 

Su'aal: Intee bay le'ekaan doonaan fasalada?

Jawaab: Intuu le'eg yahay fasalka wey ku kala duwan yihiin dugsiyada. Dugsiyada wey raaci doonaan xeerarka caafimaadka iyo amniga iyo saamiga ardayda iyo macalimiinta oo ah 2:20 xaga UTK iyo fasalka barbaarinta iyo 1:20 fasalka koowaad ilaa fasalka sideedaad.

Su'aal: Barnaamijyaasha (tacliinta xagaaga, PrimeTime, Level Up) lacag la'aan miyaa runtii?

Jawaab: Haa! Waxaa barnaamijyada maal-geliyo Barnaamijka Fursadaha Wax Barashada La Ballaariyay ee Waaxda Wax Barashada Kaaliforniya ee loo yaqaano (ELOP).

Su'aal: Ma isku qori karaa dhammaan sadexda barnaamij (tacliinta xagaaga, PrimeTime, Level Up)?

Jawaab: Maadaama ay jadwalada barnaamijka isa soo gaaraan, suurtogal maaha inuu ardaygaaga dhigto dhammaan sadexda barnaamij isku mar. Si uu ardaygaaga u dhigto PrimeTime, waa inuu ardayga dhigto barnaamijka tacliinta xagaaga. Degmada dugsiga waxay sameysay warqad uu ku qoran yahay Xirmooyinka Barnaamijka Xagaaga 2024 Ee UTK-8 si looga caawino qoysaska barnaamijka ama barnaamijyada ay ku qorayaan ardaygooda ama ardaydooda. 

Su'aal: Waxaan rabaa inaan ku qoro ardaygayga barnaamijka tacliinta xagaaga iyo barnaamijka xagaaga PrimeTime labadaba. Ma buuxin karaa hal codsi keliya?

Jawaab: Maya. Barnaamijka PrimeTime wuxuu leeyahay nidaam codsi oo gooni ah. Ardayga waa inuu ku qornaadaa barnaamijka tacliinta xagaaga si uu ugu qornaado barnaamijka PrimeTime xagaaga.

Su'aal: Ma ku qori karaa ardaygayga barnaamijka tacliinta xagaaga iyo Level Up (kobcinta) labadaba?

Jawaab: Haa.

Su'aal: Waxaan codsaday barnaamijka tacliinta xagaaga. Ma heli doonaa xaqiijin?

Jawaab: Waxay waalidiinta heli doonaan xaqiijin iimayl ah ilaa Abriil 5.

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ee dugsiga sare ma waxaa loogu talagalay keliya ardayda u baahan inay horumariyaan natiijooyin kooda si ay u qalin-jabiyaan waqtiga loogu talagalay?

Jawaab: Haa. Hadadaan, ardayda waxay isku qori karaan soo celiska buundooyinka ee dugsiga xagaaga waxayna dib usoo ceshaan karaan ilaa afar buundo. Waa inay ardayda la shaqeeyaan la'taliyahooda dugsiga sare si ay isugu qoraan koorsooyinka saxda ah ee loo baahan yahay.

Su'aal: Ardaygayga UTK ma u qalmaa inuu dhigto barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Haa, hadii uu ardaygaaga ku qornaa UTK sannadkaan, wuxuu u qalmi doonaa barnaamijka tacliinta xagaaga UTK.

Su'aal: Isku qorka barnaamijka tacliinta xagaaga ma ballanqaadayaa boos barnaamijka Level Up (kobcinta)?

Jawaab: Maya. Barnaamijka tacliinta xagaaga wuu kooban yahay waxayna koobnaan taas ku salaysan tahay awooda goobta dugsiga. Si kastaba ha ahaatee, barnaamijka Level Up wuxuu leeyahay boosas kooban.

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ma loo tirinayaa sannad dugsiyeedka tacliinta?

Jawaab: Waxay degmada dugsiga bixinaysaa barnaamij soo celiska buundooyinka (credit recovery) oo loogu talagalay ardayda dugsiga sare oo dib usoo ceshan karo ilaa afar buundo ee fasalada ay hore ugu heleen D ama F. Wuxuu ardayga u baahan yahay inuu la shaqeeyo la'taliyahiisa dugsiga sare si uu isugu qoro koorsooyinka saxda ah uu u baahan yahay.

Su'aal: Waxaa qoyskeena u qorsheysan dalxiis. Meeqa saacadood ayuu ardaygayga maqnaan karaa?

Jawaab: Fadlan kala hadal maamulka dugsigaaga dalxiisyada ama maqnaanshaha hore u qorsheysan. Ma jiro shuruud xaadiritaan oo ka jiro heerka dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe. Ardayda dugsiga sare oo dib u soo ceshanaayo buundooyin ay ku qalin-jabinayaan waxay maqnaan karaan labo maalmood keliya.

Su'aal: Hadii uu ardaygayga ku jiro fasalka sideedaad hada, ma wuxuu galayaa barnaamij xagaaga oo fasalka sideedaad ama fasalka sagaalaad?

Jawaab: Markaan oo kale, fasalka sideedaad. Ardayda waxay ku jirayaan fasalkooda hada (kan sannad dugsiyeedka 2023-24) marki ay dhiganayaan dugsiga xagaaga. Waxaa ka reeban ardayda ka baxaysa fasalka sideedaad ee xiisaynaya dedejinta ama soo celiska buundooyinka ee xisaabta ama barnaamijyada lagu hadlo Isbaanishka keliya (Spanish immersion).

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ma ku heli karaan Isbaanish ardayda oo caadi ahaanta ku jiro barnaamij lagu hadlo Isbaanish keliya?

Jawaab: Haa, barnaamij lagu hadlo Isbaanish keliya (Spanish immersion) waxaa laga heli karaa Balboa, Edison, Language Academy, Rosa Parks, Linda Vista iyo Tierrasanta iyadoo loogu talagalay ardayda UTK ilaa fasalka 5.

Su'aal: Degmada Dugsiga miyaa soo bandhigayso gaadiidka baska?

Jawaab: Gaadiidka waxaa loo soo bandhigaa keliya ardayda dhiganaayo ESY (Sannad Dugsiyeedka La Dheereeyay [Extended School Year]) oo aan ku qornayn dugsiga ku yaalo meesha ay degan yihiin. Ma jiro gaadiid loogu talagalay barnaamijkeena wax barashada ee guud.

Su'aal: Cuntooyinka ma ku jiraan barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Haa, quraac iyo qado ayaa la siin doonaa ardayda ka qayb-qaadanaayo barnaamijka tacliinta xagaaga.

Su'aal: Ma jiri doonaa kal-kaaliye caafimaad inta uu socdo barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Waxaa jiri doono kal-kaaliyaal caafimaad iyo/ama dad yaqaano farsamada caafimaadka si loo taageero dhammaan goobaha xagaaga.

Su'aal: Ma shaqeynaayo lambarka aqoonsiga ardaygayga (ID). Yaan la xiriiraa?

Jawaab: Hadii uusan shaqeynaynin lambarka aqoonsiga ardaygaaga, fadlan la xiriir xafiiska macluumaadka ee degmada dugsiga oo laga heli karo [email protected]. Xusuusin ahaan, ardayda dhigato dugsiyada goonida ah (charter schools) uma qalmaan inay dhigtaan.

Su'aal: Waa maxay nidaamka degmada dugsiga ee ku saabsan isticmaalka maaskarada? (nidaamka COVID?)

Jawaab: Waxay degmada dugsiga raacdaa hagitaanka Xarumaha Xakamaynta Cudurada (Centers for Disease Control) iyo

Waaxda Caafimaadka Dadweynaha Ee Kaaliforniya (California Department of Public Health)

Su'aal: Yaan kala xiriiri karaa wixi su'aalo dheeraad ah?

Jawaab: Waxay qoysaska booqan karaan websaytka Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) si loo helo macluumaad dheeraad ah ama waxay wici karaan xafiiska ELO oo laga heli karo 858-810-7310 inta lagu jiro saacadaha shaqada xafiiska, Isniin ilaa Khamiis, 7:30 subaxnimo (a.m.) ilaa 3 galabnimo (p.m.)

Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ayaa qabaneyso saacadaha xafiiska ee qoyska (family office hours) oo ay ku qaban doonto intarnetka (Zoom) Talaado kasta marki ay tahay 4:00 galabnimo (pm.) ilaa 4:30 galabnimo (p.m.) Kulanadaad waxaa loogu talagalay keliya qoysaska ay ardaydooda dhigtaan degmada dugsiga hadadaan.

Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime (PrimeTime Summer Program):

Fadlan ogoow: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh.

Su'aal: Waa maxay PrimeTime?

Jawaab: Barnaamijka loo yaqaano PrimeTime Summer Program (Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime) wuxuu soo bandhigaa deegaan wax laga qayb-qaadan karo oo ay ardayda ku xoojin karaan xirfadahooda tacliinta iyo ay ka qayb-qaadan karaan hawlo kobcin leh oona xiiso leh oo ku saabsan goobaha farshaxanka, sayniska, muusikada iyo ciyaaraha, iyadoo la horumarinaayo xirfadaha bulshanimada. Ardayda ka qayb-qaato Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime waxaa la siin doonaa cunto nafaqo leh oo lacag la'aan ah.

Su'aal: Dugsiyadee ayaa bixin doono Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: 49 dugsiyo oo ah heerka hoose iyo dhexe ayaa soo bandhigi doono PrimeTime inta lagu jiro xagaaga. Guji inta si aad u aragto liiska dugsiyada.

Su'aal: Gormee ayuu bilaaban doonaa iyo dhammaan doonaa barnaamijka?

Jawaab: Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime wuxuu bilaaban doonaa Arbaco, Juunyo 12, 2024 wuxuuna dhammaan doonaa Jimco, Luulyo 12, 2024. Barnaamijka wuu xiran yahay Juunyo 19, Luulyo 4, iyo Luulyo 5.

Su'aal: Waa maxay saacadaha barnaamijka ee Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: Wuxuu barnaamijka bilaaban doonaa 12:00 duhurnimo (p.m.) wuxuuna dhammaan doonaa marki ay tahay 5:00 galabnimo (p.m.)

Su'aal: Barnaamijka ma furan yahay inta lagu jiro faystooyinka?

Jawaab: Barnaamijka wuu xiran yahay faystooyinka degmada dugsiga Juunyo 19, Luulyo 4, iyo Luulyo 5.

Su'aal: Sideen ku go'aamin karaa hadii uu cunugayga u qalmo Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: Ardayda Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ee dhiganaayo Barnaamijka Tacliinta/ESY Xagaaga Ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego waxay u qalmi doonaan inay codsadaan inay ka qayb-qaataan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime oo laga bixinaayo isla goobta dugsiga waxaana ka mid ah ardayda dhigato Fasalka Barbaarinta Ee Ku Meel-gaarka Iyo Caalamiga Ah (Universal Transitional Kindergarten [UTK]) ilaa fasalka sideedaad inta lagu jiro sannad dugsiyeedka 2023-24. Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh

Su'aal: Ma qori koraa ardaygayga hada?

Jawaab: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh waxayna isqori karaan laga bilaabo Isniinta, Janaayo 29, 2024. Maalinta ugu dambaysa inay qoysaska P1 qoraan ardaygooda ama ardaydooda waa Maarso 15, 2024.

Laga bilaabo Maajo 13, 2024 wuxuu is-qoritaanka ka furan yahay degmada dugsiga oo dhan, hadii uu banaan yahay boos waxaa loo aqbali doonaa ardayda si ku salaysan nidaamka dhibcaha mudnaanta ee PrimeTime. 

Su'aal: Sideen ku go'aamin karaa hadii uu ardaygayga fuliyo shuruudaha P1?

Jawaab: Siday dhigayaan shuruudaha deeqda iyo goobaha mudnaanta ee degmada dugsiga ee Barnaamijka Wax Barashada La Kordhiyay ee Waaxda Wax Barashada Kaaliforniya (ELOP), ardayda fuliyo ugu yaraan hal ka mid ah shuruudaha soo socda waxaa la siin doonaa diiwaangelinta mudnaanta (P1):

      Ku Hadlo Luuqado Badan (Baranaayo Luuqada Ingiriiska)

      U qalanka cuntada lacag la'aanta ah ama la raqiisiyay

      Dhalinyarada guri la'aanta ah/dad kale koriyaan

      Ardayda itaal-la’aanta ah (IEP ama 504)

      Ilmaha la dhashay ardayda fuliyo shuruudaha ku yaalo kor oo dhigta isla dugsigaas

Su'aal: Sideen u codsadaa Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh waxayna isqori karaan laga bilaabo Isniinta, Janaayo 29, 2024. Maalinta ugu dambaysa inay qoysaska P1 qoraan ardaygooda ama ardaydooda waa Maarso 15, 2024.

Su'aal: Goormee ayaa la rabaa in la soo celiyo codsiga Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: Codsiyada ugu horeeya ee Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime waxaa la rabaa in la soo celiyo ilaa Maarso 15, 2024. Qoysaska wey sii wadi karaan inay codsadaan ka dib taariikhdaan la rabo in la soo celiyo. 

Su'aal: Ma la isoo ogeysiin doonaa hadii ardaygayga loo ogolaaday Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime?

Jawaab: Codsiyada Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime la gudbiyo ilaa Maarso 15, 2024 waxay heli doonaan ogysiis iimayl ah ilaa Abriil 5, 2024, oo uu ku qoran yahay macluumaad si loo dhammaystiro nidaamka diiwaangelinta. Si aad u hesho macluumaad sii faahfaahsan, fadlan guji inta.

Su'aal: Cunugayga dugsigiisa kuma qorna liiska hoos ka soo baxo (drop-down menu) ee codsiga Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime. Waa maxay waxa ii banaan oo aan dooran karo?

Jawaab:  Hadii aad u baahan tahay caawinaad ama aad qabto su'aalo, fadlan la xiriir xafiiska PrimeTime si aad u hesho taageer, waxaana laga heli karaa [email protected] ama 858-503-1870. 

Su'aal: Ardaygayga wuxuu ku jiraa liiska sugitaanka ee barnaamijka xagaaga ee PrimeTime. Maxaan sameyn karaa hada?

Jawaab: Hadii uu ardaygaaga ku jiro liiska sugitaanka, waxay qoysaska codsan karaan barnaamijyada kobcinta ee Level Up.

Su'aal: Ardaygayga wuxuu ku qoran yahay PrimeTime hada. Weli ma la iga rabaa inaan codsi u buuxiyo xagaaga?

Jawaab: Haa, ardayda hadadaan dhiganaayo PrimeTime sannad dugsiyeedkaan waa inay codsadaan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime.

Su'aal: Waan codsaday Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime. Ma heli doonaa xaqiijin?

Jawaab: Haa, codsiyada Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime la gudbiyo ilaa Maarso 15, waxay heli doonaan ogysiis iimayl ah ilaa Abriil 5, 2024 oo uu ku qoran yahay macluumaad si loo dhammaystiro nidaamka diiwaangelinta. Si aad u hesho macluumaad sii faahfaahsan, fadlan guji inta.

Su'aal: Ma waxaa u qalmaa Barnaamijka Tacliinta Xagaaga keliya hadii uu ardaygayga ku qoran yahay barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Haa, waa inay ardayda ku qoran yihiin barnaamijka tacliinta xagaaga si ay ugu qalmaan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime ee isla goobta dugsiga.

Su'aal: Ardaygayga ma u qalmaa Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime hadii uu dhigto barnaamilka Level Up, laakiin uusan dhiganin barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Maya, waa inay ardayda ku qoran yihiin barnaamijka tacliinta xagaaga si ay ugu qalmaan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime ee isla goobta dugsiga, iyo aysan dhiganaynin barnaamijka Level Up.

Su'aal: Ma codsan karaa Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime hada markaasna ma u bedelan karaa barnaamijka Level Up ka dib?

Jawaab: Haa, hadii ardaygaaga la geliyay liiska sugitaanka. 

Su'aal: Goobta PrimeTime ma isla dugsiga laga bixinayo barnaamijka tacliinta xagaaga miyaa? Waxaan shaqeeyaa waqti buuxo mana geyn karo ardaygayga goob laga bixinaayo barnaamijk oo gooni ah.

Jawaab:  Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime waxaa laga bixin doonaa 49 dugsiyo oo ah heerka dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe oo bixinaayo barnaamijka tacliinta xagaaga, fadlan guji inta si aad u hesho liiska dugsiyada.

Su'aal: Ma loo ogolaan doonaa cunugayga Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime hadii mid ka mid ah waalidiinta uu joogo guriga ama uusan shaqeynaynin?

Jawaab: Ogolaanshaha PrimeTime ma aha wax la ballanqaadaayo wuxuuna ku xiran yahay nidaamka qiimeynta codsiga. Fadlan fiiri websaytka Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime oo laga heli karo inta si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Su'aal: Qasab miyaa inuu cunugayga dhigto maalinta shanta saacadood ee Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime? Ma soo dooni karaa oo qaadan karaa ardaygayga marki ay tahay 4:30 galabnimo (pm) meeshii aan ka soo dooni lahaa 5:00 galabnimo (pm)?

Jawaab: Qoysaska wey qaadan karaan ardaydooda marki ay tahay 4:30 waana inay buuxiyaan foomka Fasaxitaanka Hore Ee PrimeTime.  Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamkaan ayaa lala wadaagi doonaa qoysaska intuusan bilaabanin barnaamijka xagaaga ka hor.

Su'aal: Waxaa qoyskeena u qorsheysan dalxiis. Meeqa saacadood ayuu ardaygayga maqnaan karaa?

Jawaab: Siday dhigayaan xeerarka gobolka, waa inay ardayda qorsheystaan inay dhigtaan barnaamijka maalin kasta. 

Su'aal: Maxay ku kala duwan yihiiin Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime iyo barnaamijka tacliinta xagaaga?

Jawaab: Barnaamijka loo yaqaano PrimeTime Summer Program (Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime) wuxuu soo bandhigaa deegaan wax laga qayb-qaadan karo oo ay ardayda ku xoojin karaan xirfadahooda tacliinta iyo ay ka qayb-qaadan karaan hawlo kobcin leh oona xiiso leh oo ku saabsan goobaha farshaxanka, sayniska, muusikada iyo ciyaaraha, iyadoo la horumarinaayo xirfadaha bulshanimada. Ardayda ka qayb-qaato Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime waxaa la siin doonaa cunto nafaqo leh oo lacag la'aan ah.

Barnaamijka tacliinta xagaaga ee loo yaqaano summer academic program waa fursad ay ardayda kusii wadan karaan hawshooda tacliinta inta lagu jiro xagaaga. Fasalada waxaa dhigi doona macalimiinteena aad ugu qalma ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego.

Su'aal: Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime ma wuxuu yahay halka fursad ee barnaamij ee baxaayo "dugsiga ka dib" inta lagu jiro xagaaga, ama ma jiri doonaan fursado kale ee kobcin oo baxa ka dib Barnaamijka Subaxa Ee Tacliinta Xagaaga?

Jawaab: Waxaa PrimeTime sii dheer, barnaamijyada kobcinta ee Level Up ayaa la bixin doonaa ka dib barnaamijyada tacliinta xagaaga.

Su'aal: Yaan kala xiriiri karaa wixi su'aalo dheeraad ah?

Jawaab: Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan PrimeTime, fadlan iimayl ugu dir xafiiska PrimeTime cinwaanka [email protected] ama la xiriir 858-503-1870.

Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ayaa qabaneyso saacadaha xafiiska ee qoyska (family office hours) oo ay ku qaban doonto intarnetka (Zoom) Talaado kasta marki ay tahay 4:00 galabnimo (pm.) ilaa 4:30 galabnimo (p.m.) Kulanadaad waxaa loogu talagalay keliya qoysaska ay ardaydooda dhigtaan degmada dugsiga hadadaan.

ESY

Su'aal: Waa maxay barnaamijka xagaaga ee Sannad Dugsiyeedka La Dheereeyey?

Jawaab: Sannad Dugsiyeedka La Dheereeyay oo loo yaqaano Extended School Year (ESY) waa barnaamij oo adeegyadiisa loo soo bandhigo ardayda u qalmo ee ku jiro wax barshada gaarka ah oo leh baahiyo gaar ah oona u baahan wax barasho gaar ah iyo adeegyada la xiriira oo dheeraad ku ah tacliinta sannad dugsiyeedka ee caadiga ah.

Su'aal: Goormee ayuu bilaabmaa barnaamijka xagaaga ESY?

Jawaab: Barnaamijka ESY ee shanta asbuuc wuxuu bilaaban doonaa Arbaco, Juunyo 12, 2024 wuxuuna dhammaan doonaa Jimco, Luulyo 12, 2024. Barnaamijka wuu xiran yahay Juunyo 19, Luulyo 4 iyo 5.

Su'aal: Waa maxay saacadaha barnaamijka?

Jawaab: Barnaamijka UTK ilaa fasalka 8'daad wuxuu bilaabmaa 8:00 subaxnimo (a.m.) wuxuuna dhammaadaa marki ay tahay 12:00 duhurnimo (p.m.) ardayda ESY ee dugsiga sare waxay imaadaan 9:30 subaxnimo (a.m.) waxayna tagaan marki ay tahay 1:30 duhurnimo (p.m.)

Su'aal: Barnaamijka ma furan yahay inta lagu jiro faystooyinka?

Jawaab: Barnaamijka wuu xiran yahay faystooyinka degmada dugsiga Juunyo 19, Luulyo 4 iyo 5.

Su'aal: Sideen ugu qoraa ardaygayga barnaamijka xagaaga ESY?

Jawaab: Ardayda u qalmo ESY waxaa qoritaankooda loo mari doonaa maareeyaha kiiska cunugooda. Hadii aadan hubin qofka ah maareeyaha kiiska cunugaaga, fadlan la xiriir xafiiska guud ee ku yaalo dugsigaaga. 

Su'aal:  Waa maxay goobaha dugsiyada xagaaga ESY? 

Jawaab: Goobaha dugsiyada waxaa laga heli karaa xiriiriyahaan.

Su'aal: Ma lagu qori doonaa ardaygayga dugsi ESY?

Jawaab: Haa. Marki uu ardayda u qalmo ESY qoro maareeyaha kiis kiisa, Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities Department) ayaa ugu qori doonto ardayga dugsi si ku salaysan barnaamij kiisa Qorshaha Wax Barashada Gaarka Ah (Individualized Education Plan [IEP]).

Su'aal: Hadii uu cunugayga haysto IEP, maareeyaha kiis kiisa miyaa go'aamin doono hadii uu u fiican yahay ESY ama barnaamij tacliimeed?

Jawaab: Ardayda u qalmo ESY oo ku jiro barnaamijka yar/dhexdhexaad waxay ka sii wadan doonaan adeegyadooda barnaamijka tacliinta ama goobtooda goonida ah. Ardayda ka qayb-qaadanaayo goob gooni ah ama gaar ah waxay heli doonaan adeegyada ESY iyagoo ah sii socotaanka sannad dugsiyeed kooda.

Su'aal: Gaadiidka baska ma heli karaa ardaygayga ku qoran barnaamijka xagaaga ESY?

Jawaab: Iyadoo ay ku xiran xaaladaha gaarka ah, ardayda ESY waxaa laga yabaa inay helaan gaadiid.

      Haa. Hadii uu arday helo gaadiidka Wax Barashada Gaarka Ah inta lagu jiro sannad dugsiyeedka caadiga ah (ma aha Magnet), wey sii heli doonaan isla heerkaas adeega baska.

      Haa. Hadii uu imaanshaha dugsiga xiran yahay xagaaga, ardayga waxa laga soo qaadayaa dugsiga ku yaalo meesha uu degan yahay waxaana loo qaadi doonaa goobta ESY ee lagu qoray.

      Maya. Hadii ardayga aanu helin gaadiid inta lagu jiro sannad dugsiyeedka caadiga ah oo uu ESY ka dhigto dugsigiisa oo ku yaalo meesha uu degan yahay, gaadiid lama siin doono.

Hadii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan adeegyada gaadiidka, fadlan la xiriir maareeyaha kiiska ardaygaaga.

Su'aal: Yaan kala xiriiri karaa wixi su'aalo dheeraad ah?

Jawaab: Waa inay qoysaska la xiriiraan maareeyaha kiiska ardaygooda marka koowaad. Hadii aadan ogeyn qofka ah maareeyaha kiiska cunugaaga, fadlan la xiriir xafiiska guud ee ku yaalo dugsigaaga.

Hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ka dib markaad la hadasho maareeyaha kiiska ardaygaaga, fadlan la xiriir shaqaalaha hoose.

Theresa Aviles, Takhasusaha Hawlgalka, Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay

[email protected]

Mia Martinez, Isu-duweha Wax Barashada, Waaxda Wax Barashada Gaarka Ah

[email protected]

Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ayaa qabaneyso saacadaha xafiiska ee qoyska (family office hours) oo ay ku qaban doonto intarnetka (Zoom) Talaado kasta marki ay tahay 4:00 galabnimo (pm.) ilaa 4:30 galabnimo (p.m.) Kulanadaad waxaa loogu talagalay keliya qoysaska ay ardaydooda dhigtaan degmada dugsiga hadadaan.

Kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)

Fadlan ogoow: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh.

Su'aal: Waa maxay Level Up?

Jawaab: Waxay Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego mar labaad kaashatay San Diego Foundation si loo soo bandhigo barnaamijyo kobcin leh oo loogu talagalay ardayda hada dhigato degmada dugsiga oo ku jiro UTK ilaa faslaka sidedaad.

Barnaamijyada fasalada UTK ilaa sideedaad wey kala duwanaan doonaan waxaana laga yaabaa inuu ku jiro:

      Banaanka Iyo Dabeecada

      Ciyaaraha Iyo Jir Dhiska

      Farshaxanka iyo Muusikada

      Qoob Ka Ciyaar

      Akhris Iyo Qoraal

      STEM/STEAM

Macluumaad si dheeraad ah u faahfaahsan oo ku saabsan barnaamijyada, goobaha, iyo waqtiyada ayaa la soo gelin doonaa oo laga heli doonaa websaytka degmada dugsiga ee Kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) marki ay tahay xiliga dambe ee bisha Maarso.

Su'aal: Level Up ma isla sida barnaamijyada kobcinta miyaa?

Jawaab: Haa. Waxaa laga yaabaa inaad maqasho degmada dugsiga oo ka hadlayso barnaamijyada kobcinta ee la bixiyo inta lagu jiro xagaaga. Waxay degmada dugsiga ka hadlaysaa barnaamijka xagaaga ee Kobcinta Level Up (Level Up Enrichment).

Su'aal: Sideen ugu qoraa ardaygayga Kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)?

Jawaab: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh waxayna isqori karaan laga bilaabo Isniinta, Abriil 8, 2024. Wuu furan yahay is-qoritaanka ilaa uu ka buuxsamaayo. 

Laga bilaabo Maajo 13, 2024, wuxuu diwaangelinta u furan yahay degmada dugsiga oo dhan, waxaana la isugu adeeyaa sida loo soo kala hor maro.

Su'aal: Sideen ku go'aamin karaa hadii uu ardaygayga fuliyo shuruudaha P1?

Jawaab: Siday dhigayaan shuruudaha deeqda iyo goobaha mudnaanta ee degmada dugsiga ee Barnaamijka Wax Barashada La Kordhiyay ee Waaxda Wax Barashada Kaaliforniya (ELOP), ardayda fuliyo ugu yaraan hal ka mid ah shuruudaha soo socda waxaa la siin doonaa diiwaangelinta mudnaanta (P1):

      Ku Hadlo Luuqado Badan (Baranaayo Luuqada Ingiriiska)

      U qalanka cuntada lacag la'aanta ah ama la raqiisiyay

      Dhalinyarada guri la'aanta ah/dad kale koriyaan

      Ardayda itaal-la’aanta ah (IEP ama 504)

      Ilmaha la dhashay ardayda fuliyo shuruudaha ku yaalo kor oo dhigta isla dugsigaas

 Su'aal: Ma la isoo ogeysiin doonaa hadii ardaygayga loo ogolaaday barnaamijka Level Up?

Jawaab: Qoysaska P1 waxay heli doonaan fariinta qoraalka (text) asbuuca Abriil 8 oo uu ku qornaan doono macluumaadka diiwaangelinta Level Up wuxuuna ka imaan doonaa InPlay, waxaana la socon doono martiqaad inay qoraan ardaygooda ama ardaydooda. Si loo hubiyo isqoritaan sahlan, oo bilaa dhib ah, waxaan ku talinaynaa inay qoysaska la xiriiraan dugsigooda hada iyo inay xaqiijiyaan in lambarka taleefoonka gacanta oo qoran uu yahay kan ugu cusub oo ay ka cusboonaysiiyaan nidaamka PowerSchool goobta loogu talagalay taleefoonka gacanta, ka hor Maarso 25'teeda.

Su'aal: Waa maxay InPlay

Jawaab: InPlay wuxuu noqon doonaa bogga intarnetka ee is-qoritaanka ee loogu talagalay barnaamijyada kobcinta leh ee Level Up. InPlay wuxuu bilaabi doonaa is-diiwaangelinta isaga oo u maraayo inuu ugu diro xiriiriyo ku salaysan intarnetka oo gaar ah fariinta qoraalka ah (text message) arday kasta isagoo isticmaalayo lambarka taleefoonka gacanta ee ku qoran PowerSchool. Fadlan hubi in koontada PowerSchool ee ardaygaaga uu ku qoran yahay lambarkaaga taleefoonka gacanta ee cusub oona uu ku yaalo goobta taleefoonka gacanta.

Su'aal: Sideen u hubin karaa in lambarkayga taleefoonka gacanta ee hada uu ku jiro PowerSchool?

Jawaab: Fadlan la xiriir dugsigaaga si aad u hubiso in mid kasta oo ka mid ah lambarka taleefoonka gacanta ee ardaydaada qoran hada oo ku jira PowerSchool uu yahay midka ugu cusub.

Su'aal: Ma helaayo fariimaha qoraalka oo ku saabsan barnaamijyada Kobcinta Level Up (Level Up Enrichment). Maxaan sameeyaa? 

Jawaab: La xiriir dugsigaaga aad dhigato hada si aad u hubiso inuu lambarka taleefoonka yahay kan cusub.

Su'aal: Waxaan helaa fariimo qoraal oo badan oo xayeysiis camal ah (spam texts). Sideen u hubiyaa inaan tirtirin fariiin qoraal ah oo ka socota Level Up?

Jawaab: Waxaa hoos ku yaalo fariin qoraal ah oo tusaalo ah oo aad ku heli doonto InPlay:

Waxay Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ku casumeysaa Joey inuu isku qoro barnaamijyada xagaaga oo lacag la'aan ah! Ku soo jawaab STOP (JOOJI) si aad isaga saarto [Xiriiriyaha casumaadka [Invite link]]

Su'aal: Ka waran hadii aan ka baxo helitaanka fariimaha qoraalka (text) oo ka imaanayo InPlay?

Jawaab: Qoysaska hore oga baxay helitaanka fariimaha qoraalka ah oo ka imaanayo InPlay waxay fariinta qoraalka ah ee loo yaqaano ugu diri karaan erayga "START" lambarka 619-514-2484. Heerarka macluumaadka ee caadiga ah ayaa laga yaabaa in lagu dabaqo.

Su'aal: Waa maxay goobaha barnaamijyada kobcinta ee Level Up?

Jawaab: Shanta todobaad ee ugu horeeya ee barnaamijka waxa laga bixin doonaa 49 dugsi ee degmada dugsiga. Afarta todobaad ee ugu dambeeya ee barnaamijyada, Luulyo 15 ilaa Ogosto 9, waxaa lagu soo bandhigi doonaa meel ka baxsan goobta dugsiga iyada oo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha aan faa'iido doonka ahayn ee deegaanka. Si aad u aragto dugsiyada, fadlan guji inta. Goobaha dugsiga ka baxsan waxaa la wadaagi doonaa Maarso dhammaadkeeda.

Su'aal: Waa maxay waqtiga kama dambaysta ah ee la isku qoraayo barnaamijka Level Up (kobcinta)?

Jawaab: Ardayda fuliyo shuruudaha Mudnaanta 1 (Priority 1 [P1]) waxay heli doonaan diwaangelinta mudnaanta leh waxayna isqori karaan laga bilaabo Isniinta, Abriil 8, 2024. Wuu furan yahay diiwaangelinta ilaa uu ka buuxsamaayo.

Laga bilaabo Maajo 13, 2024, wuxuu diwaangelinta u furan yahay degmada dugsiga oo dhan, waxaana la isugu adeeyaa sida loo soo kala hor maro.

Ma jiro waqti kama dambays ah oo la isku qoraayo barnaamijyada kobcinta Level Up, si kastaba ha ahaatee, barnaamijyada ma muujin doonaan in la heli karo (available) marka ay buuxsamaan boosaskooda. Boos kasta oo ay awoodaan wey ku kala duwanaan doonaan barnaamijyada. 

Su'aal: Barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) ma heli karaan dhammaan heerarka fasalada?

Jawaab: Haa, dhammaan ardayda hada dhigato UTK ilaa fasalka 8'daad wey ka qayb-qaadan karaan barnaamijka Level Up.

Su'aal: Is-diiwaangelinta mudnaanta ee Level Up (Level Up Enrichment) ma waxaa la siiyaa ardayda dhigato tacliinta xagaaga?

Jawaab: Maya. Si kastaba ha ahaatee, ardayda fuliyo shuruuda Mudnaanta 1 (Priority [P1]) xiliga ugu horeeya ay isku qori karaan Level Up waa Abriil 8, 2024.

Su'aal: Isku qorka barnaamijka tacliinta xagaaga ma ballanqaadayaa boos barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)?

Jawaab: Maya. Degmada dugsiga ma ballan-qaadi karto boos barnaamijka kobcinta Level Up. Si kastaba ha ahaatee, ardayda fuliyo shuruuda Mudnaanta 1 (Priority [P1]) xiliga ugu horeeya ay isku qori karaan Level Up waa Abriil 8, 2024.

Su'aal: Ardaygayga ma looga baahan yahay inuu ku qornaado barnaamijka xagaaga PrimeTime si uu uga qayb-qaato barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)?

Jawaab: Maya. Looma baahno isku qoritaanka barnaamijka xagaaga PrimeTime si looga qayb-qaato barnaamijka kobcinta Level Up.

Su'aal: Barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) ma wuxuu socdaa shan maalmood asbuucii?

Jawaab: Barnaamijyada badankood waxay socon doonaan shan maalmood asbuuci iyadoo ay kala duwan tahay waqtiyada ay bilaabmaan iyo dhammaadaan. Fadlan ogow in barnaamij kasta ee dhammaan heerarka fasalada aanu noqon doonin barnaamij shan maalmood ah asbuuciiba. Ka hor intaadan diwaangelin ardaygaaga, fadlan hubi inaad fiiriso jadwalka barnaamijka si aad u hubiso inuu ku haboon yahay baahida ardaygaaga iyo qoyskaaga.

Su'aal: Waa maxay saacadaha barnaamijyada kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)?

Jawaab: Saacaduhu way kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran barnaamijka uu ardaygaaga ka qayb-qaadanaayo.

Su'aal: Barnaamijyada kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) ma yihiin maalin buuxda ama waqti dhiman (part time)?

Jawaab: Labada fursad'ba waa la heli doonaa. Ka hor intaadan diwaangelin ardaygaaga, fadlan hubi inaad fiiriso jadwalka barnaamijka si aad u hubiso inuu ku haboon yahay baahida ardaygaaga iyo qoyskaaga.

Su'aal: Ma ku qori karaa ardaygayga barnaamijka tacliinta xagaaga iyo kobcinta Level Up (Level Up enrichment) labadaba?

Jawaab: Haa. Si kastaba ha ahaatee, fadlan hubi in waqtiyada barnaamijka aysan isku soo aadin (overlap).

Su'aal: Ma u baahan yahay cunugayga inuu ku qornaado barnaamijka tacliinta xagaaga si uu u awoodo inuu ka qayb-qaato barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment)?

Jawaab: Maya. Waxaad ku qori kartaa ardaygaaga barnaamijka kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) keliya.

Su'aal: Ma ku qori karaa ardaygayga xarumo kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) oo badan?

Jawaab: Haa. Waxay qoysaska haystaan fursad ay ku qoraan ardaygooda ama ardaydooda ugu badnaan saddex kulan barnaamij. Waa muhiim in la ogaado in taariikhaha iyo waqtiyada kulanadaan aysan isku soo aadin barnaamijyada kale ee xiliga xagaaga.

Su'aal: Mid kasta oo ka mid ah goobaha dugsiyada ma bixiyaan isla barnaamijyada kobcinta Level Up (Level Up Enrichment) ama mey kala duwan yihiin waxyaabaha ay bixiyaan barnaamijyada?

Jawaab: Wey kala duwanaan doonaan barnaamijyada. 

Su'aal: Maxaa dhacaya hadii uu ardaygayga u baahan yahay in wax loo bedelo ama taageero 504 xaga hawlaha kobcinta?

Jawaab: Fadlan si toos ah ula xiriir bixiyaha barnaamijka si aad u diyaarsato taageero. Macluumaadka xiriirka bixiyaha barnaamijka waa inuu ku jiraa fariinta aad heshay ee xaqiijinaysa diiwaangelinta barnaamijka.

Su'aal: Yaan kala xiriiri karaa wixi su'aalo dheeraad ah?

Jawaab: Waxay qoysaska booqan karaan websaytka Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) si loo helo macluumaad dheeraad ah ama waxay wici karaan xafiiska ELO oo laga heli karo 858-810-7310 inta lagu jiro saacadaha shaqada xafiiska, Isniin ilaa Khamiis, 7:30 subaxnimo (a.m.) ilaa 3 galabnimo (p.m.)

Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities [ELO]) ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego ayaa qabaneyso saacadaha xafiiska ee qoyska (family office hours) oo ay ku qaban doonto intarnetka (Zoom) Talaado kasta marki ay tahay 4:00 galabnimo (pm.) ilaa 4:30 galabnimo (p.m.) Kulanadaad waxaa loogu talagalay keliya qoysaska ay ardaydooda dhigtaan degmada dugsiga hadadaan.

Soo Celiska Buundooyinka:

Su'aal: Barnaamijka tacliinta xagaaga ma loo tirinayaa sannad dugsiyeedka tacliinta?

Jawaab: Haa. Ardeyda waxay u baahan yihiin inay la shaqeeyaan la'taliyaha dugsigooda si ay isugu qoraan koorsooyinka saxda ah ee loo baahan yahay.

Su'aal: Mid ka mid ah barnaamijyada xagaaga ma u ogolaadaan ardayga inuu ku hormaro buundooyinka (get ahead)? Waxaan haystaa arday soo galaya fasalka sagaalaad waxaanan is-weydiinayey hadii uu qaadan karo fasal xisaabeed oo loo xisaabin doono fasalkiisa sannadka sagaalaad.

Jawaab: Haa. Ardeyda waxay u baahan yihiin inay la shaqeeyaan la'taliyaha dugsigooda si ay isugu qoraan koorsooyinka saxda ah.

Su'aal: Ardaygayga dugsiga sare ma ka qayb-qaadan karaa barnaamijka tacliinta xagaaga si uu wax u sii dedejisto?

Jawaab: Waxaan ku jirnaa hawsha ah inaan jadwalka gelino barnaamiyo dedejin ah oo loogu talagalay ardayda dugsiga sare. La'taliyahooda ayaa la soo wadaagi doono maclumaad dheeraad ah.

Su'aal: Hadii uu ardaygayga dugsiga sare ku guuldareysto fasal inta lagu jiro sannad dugsiyeedka caadiga ah (simistarka Gu'ga 2024), ma qaadan karaa fasal xagaaga oo laga bixinaayo intarnetka? 

Jawaab: Haa. Ardayda waxay ka qaadan karaan intarnetka ilaa laba koorso.